Wararka ka imanaya dalka Soomaaliya ayaa sheegaya hawl-gallo kala duwan oo saacadihii lasoo dhaafay ay xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen gobolla Baay iyo Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramaya in habeennimadii xalay ay madaafiic ku beegsadeen ciidanka Xabashida Itoobiya ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaallada Baydhabo.
Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab waxay xalay dagaal culus ku mireen xerada askarta Uganda ee degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose.
Geesta kale, maalinnimadii shalay jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan kuwa DF Somaliya oo ku sugnaa duleedka deggaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 askari oo ka tirsan maleeshiyaadkaasi lagu dilay weerarkaasi, 8 kalena ay dhaawacmeen.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in 4 ka mid ah maydadka looga cararay goobta dagaalka, waxaana askarta dhimatay ku jiray sarkaal ka tirsanaa Nabad-sugidda oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Nuur Axmed (Timo-jilic).
Weerarkan oo si xun loogu jabiyey maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ayay jihaadiyiinta Al-Shabaab kusoo furteen 2 qori oo AK47 ah iyo weliba 3 boosh.
FG: Kusoo biira Channellada cusub ee SOMALIMEMO ay ku leedahay Telegram: