Kooxda Gurguurte oo lagu eedeeyey dagaallo ay ka hurinayso gobolka Gedo.

Thursday April 24, 2025 - 16:52:29
Liibaan Jeexoow
Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DF Somaliya ku matala maamulka la baxay Jubbaland, ayaa kooxda Xasan Gurguurte ku eedeeyey xasillooni-darro iyo dagaallo ay ka hurinayaan gobolka Gedo.
Waxay sheegeen in kooxda Villa Somaliya ee gar-wadeenka uu ka yahay Gurguurte ay ciqaab wadareed kusoo rogtay shacabka ku dhaqan deggaannada hoos-taga maamulka Jubbaland.

"Waxaan ugu baaqaynaa mas’uuliyiinta sare ee DF Somaliya inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadaha ay ka hurinayaan gobolka Gedo, gaar ahaan Beled Xaawo…” ayaa lagu yiri war-murtiyeed xildhibaannadu ay si wada-jir ah u soo saareen.

Xildhibaannadu waxa kale oo ay sheegeen in saamayn xun oo dhaqaalle iyo mid dhaqanba ay ka dhalatay ficillada gurracan ee dadka deggaanka ay kula kacday kooxda Xasan Gurguurte.

"Waxay cunaqabatayn iyo ciqaab wadareed kusoo rogtay shacabka Jubbaland, iyadoo wakhti, muruq iyo maalba ku bixisay burburinta amniga….” Ayaa lagu yiri bayaanka oo maanta soo baxay.

War-saxaafadeedkan ayaa imanaya xilli ay deeradu dhex miranayso maamullada Muqdisho iyo Kismaayo, isla markaana gogol uu fidiyey Gurguurte laga reebay Axmed-madoobe.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: https://t.me/+_wxEbF1J9vAzNTFk

Related Items

Update cookies preferences