Wararka dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha maleeshiyaadka Gurguurte lagu gaarsiiyey dagaalkii saaka ay dagaalyahannada Al-Shabaab kula wareegeen deggaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa ku warramaya in ugu yaraan 25 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte ay ku dhinteen dagaalkaasi, 12 kalena ay dhaawacmeen.
Haraadiga firxadka maleeshiyaadka Gurguurte ayaa u baxsaday dhinaca degmada Cadale oo qiyaastii 70 KM u jirta deggaanka Wargaadhi.
Saanad millateri oo aad u fara badan iyo weliba maxaabiis dagaal ayaa la sheegayaa in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen.
Waxa kale oo jira khasaare maleeshiyaadka Villa Somaliya lagu gaarsiiyey weerar dhabbo-gal ah oo ka dhacay duleedka Wargaadhi.
Ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte ayaa dhintay, 3 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii qarax lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen.
Waxaa gebi ahaanba burburay gaarigii ay askartaasi saarnayd, waxaanay maleeshiyaadkani ka mid ahaayeen firxadkii ka baxsaday goobta dagaalka.
Raayada Tawxiidka ayaa ka babanayso deggaanka Wargaadhi, halkaas oo si buuxda ay gacanta ugu hayaan una maamulayaan dagaalyahannada Al-Shabaab.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: