AKHRISO: Taliska Millateriga Al-Shabaab oo war kasoo saaray weerarka Wargaadhi.

Thursday April 24, 2025 - 08:54:21
Liibaan Jeexoow
Bayaan kasoo baxay taliska millateriga jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in saaka oo khamiis ah ay weerar cag-marin ah kula wareegeen guud ahaan deggaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Saldhiggan Wargaadhi ayaa ahaa taliska ugu weyn ee ay Shabeellada dhexe ku lahaayeen maleeshiyaadka calooshood-u-shaqaystayaasha Danab, sida lagu shaaciyey bayaanka kasoo baxay Al-Shabaab.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyey maleeshiyaadka, isla markaana gacanta lagu dhigay saanad millateri oo aad u fara badan iyo maxaabiis dagaal. Hoos kaga bogo:

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences