Midowga Yurub oo shaaca ka qaaday go'aan ka dhan ah hawl-galka AUSSOM.

Wednesday April 23, 2025 - 14:15:46
Liibaan Jeexoow
Midowga Yurub ayaa ka digay halis weyn oo ku wajahan hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, kaddib markii uu si cad u sheegay inuusan sii wadi karin maalgelinta kaligiis ee hawlgalkan.
Warbixin dhawaan ay daabeceen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa lagu sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan EU oo ku sugan Brussels ay warbaahinta u sheegeen in beesha caalamka oo idil, gaar ahaan waddamada Khaliijka, Mareykanka, Shiinaha iyo quwadaha kale ee gobolka Afrika, ay tahay inay qeyb ka noqdaan kharash bixinta hawl-galka AUSSOM.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in EU uu muujinayo daal miisaaniyadeed oo sii kordhaya iyo dareen ah in mas’uuliyadda Ciidamada Afrikaanta ee dulaanka kusoo qaaday Soomaaliya aysan ku ekaan karin gacanta Yurub oo kaliya.

Waxa uu golaha midowga Yurub ku baaqay in si caddaalad ah loo wadaago masuuliyadda dhaqaale iyo tan farsamo si hawlgal gaaleedka AYUUSSOM uusan u burburin.

Dhinaca kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in hawlgalka AUSSOM uu hada galay weji cusub, isagoo si tartiib ah uga guuraya qaabkii hore ee ahaa waxa looguy yeero "nabad ilaalin ah.

Hawl-galka ayaa hada isku badalay wax ay madaxda Brussel joogto ugu yeereen taageero farsamo, tababarro, hagid iyo horumarinta hay’adaha DF Somaliya, iyadoo lagu sababeeyay tageero xumo dhaqaale.

Maraykanka ayaa isaguna mar kale ku celiyey isla markaana si cad u sheegay in wax qarash ah aanay ku bixin doonin howlgalka cusub ee isbahaysiga AUSSOM.

Go’aannadana ayaa kusoo aadaya xilli talaadadii shalay shir ka qabsoomay Kampala oo ay isugu yimaaddeen dalalka isbahaysiga AUSSOM ay shaaciyeen in hawl-galku fashilmi doono haddii aan loo helin maal-gelin dhamaystiran oo si buuxda la iskugu hallayn karo.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

TELEGRAM

FACEBOOK

Related Items

Update cookies preferences