Warbixin ay daabacday majalada Responsible Statecraft ee taabacsan machadka Quincy Institute for Responsible Statecraft ee ka faalloda siyaada arimaha dibada Maraykanka iyo dagaallada aan dhamaadka laheyn ee uu ku jiro Maraykanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo guuldarada milatari ee Washington iyo xulafadeeda ay ka wajahayaan wadankan dhaca geeska qaarada Afrika.
Maqaalkan ayaa cinwaan looga dhigay "Maxay tahay sababta uu Maraykanku uga adkaan la' yahay al-Shabaab?" ayaa diiradda saaraya dagaalka ashahaaoda-la-dirirnimo ee dalka ka socda ee uu hogaanka u hayo Maraykanka iyo asbaabaha keenay in uu fashilmo.
Wuxuu wargaysku sheegayaa in Soomaaliya ay qaadday dhabihii Afgaanistaan iyo in dhacdooyinkii Kaabul laga soo diiwaangaliyay 2021 aysan ka fogeyn in ay hadda ka dhacdo Mugdisho.
"Qabsashada Taliban ee Afgaanistaan 2021 ayaa inta badan la barbardhigaa natiijo macquul ah ka dhici karta Soomaaliya. Isbarbardhiggan wuxuu u muuqdaa mid degdeg ah dhawaanahan iyadoo al-Shabaab ay dib u soo ceshatay qaar ka mid ah dhulkii laga saaray tan iyo 2022-kii". Ayuu yiri joornaalku.
Mar ay soo hadal-qaadday howl-gallalda millatariga Maraykanka uu ka wado Soomaaliya ayey warbixintu sheegtay in ay yihiin kuwo ma-dhaleys ah oo aan waxba ka badalin furimaha dagaalka, taa badalkeedana ay sii xoogaysanayso awoodda xoogagga Xarakada Al-Shabaab.
Kooxda Villa Soomaaliya oo mudo dheer ay tabantaabinayeen dowladaha Reer-Galbeedka ayey sheegtay majaralladu in ay noqotay dowlad faashil ah oo aan wax natiijo ah keenin walina aysan ka maarmin taageerada dowladaha shisheeye.
"Marka laga soo tago ololaha milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, dowlado shisheeye oo kala duwan ayaa taageeray mashruuca dowlad-dhisidda Soomaaliya tan iyo 2009. Waxa taa badalkeeda hir-galay tobankii sano ee la soo dhaafay dawlad ka dhalatay Muqdisho oo ku tiirsan taageero dibadeed” Ayay tiri warbixinta uu qoray wargeysku.
Responsible Statecraft waxa kale oo ay ka dhawaajisay in DF Soomaaliya ay ku foogan tahay oo kaliya boobka lacagaha iyo saxiixa qandaraasyada shisheeyaha, taas oo u nugul ayay tiri dalabaadka waxa loogu yeero deeq-bixiyeyaasha.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
TELEGRAM
FACEBOOK