Ugu yaraan labo qof oo shacab ayaa dhintay, 3 kalena waa ay dhaawacmeen kadib maleeshiyaadka DF Somaliya ay jiirsiiyeen gaari ay wateen oo noociisu ahaa BG.
Falkan foosha xun oo si weyn looga argagaxay ayaa si gaar ah uga dhacay deggaanka loo yaqaan Cali Ganeey oo hoos-taga degmada Balad-weyne.
Wararka ayaa intaas ku daray in wax yar kabacdi uu rogmaday baabuurkii BG ahaa, isla markaana uu khasaare soo gaaray maleeshiyaadkii saarnaa.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan 1 askari ku dhintay shilkaasi, 30 (Soddon) kalena ay dhaawacmeen.
Xogta ayaa tibaaxaysa in maleeshiyaadka waxyeelladu soo gaartay qaarkood ay qabaan dhaawacyo garaab ah.
Geesta kale, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maanta qarax culus la beegsaday maleeshiyaad ku sugnaa bar-kantarool oo ku taal degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo daryankiisa laga maqlaayay meelo fog fog, ayaa wararku sheegayaan inuu geystay dhimashada 1 askari, halka mid kalena uu gaaray dhaawac halis ah.
FG: Kusoo biir FACEBOOK: