Madaxweyneyaasha Masar, Turkiga iyo Immaaraadka oo tacsi u direy Boobkii Faatikaanka.

Tuesday April 22, 2025 - 10:36:47
Liibaan Jeexoow
Waxa shalay halaagsamay Baaderigii ugu weynaa mad'habta Kaatoligga ee Kirishtaanka isla markaana ahaa hoggaamiyihii Faatikaanka Baaba Faraansis.
Baaderiga dhintay ayaa ahaa kii 266 ee Kiniisadda Kaatoligga. Waxa tacsi u direy qaar ka mid ah hor-joogeyaasha qawsaarrada ah ee dalalka Muslimiinta.

Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in baaderigani ahaa nin nabadeed halka madaxweynaha Immaaraatku uu ku sheegay in uu ahaa qof naftiisa u hibeeyay isu soo dhaweynta diimaha.

"Wuxu ahaa shakhsi naadir ah, wuxu aad uga shaqeeyay intii uu noolaa caddaaladda, nabadda iyo isfahanka diimaha” ayuu yiri Al-Siisi.

Dhanka kale waxa isna ka hadlay Erdogan oo ah madaxweynaha Turkiga oo tibaaxay in uu ka xun yahay geerida ku timid baaderiga.

Baaderigan ayaa magaciisa dhabta ah la oran jirey Jorge Mario Bergoglio waxa aanu ku dhashay dalka Arjantiin 1936.

Waxa loo doortay Boobka Kiniisadda Kaatoligga ee 266 sannadkii 2013 ka dib markii uu iscasiley ninkii ka horreeyay.

Si kastaba ha ahaatee waxa foolxumo ah in iyadoo xasuuqyo ay Kiristaanku ka wadaan dalalka Muslimiinta in madaxdoodii tacsi dirayaan.


FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


TELEGRAM

FACEBOOK

Related Items

Update cookies preferences