Sarkaal ka tirsan maamulka Galmudug oo lagu khaarajiyey Galgaduud.

Tuesday April 22, 2025 - 10:30:46
Liibaan Jeexoow
Maleeshiyo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka la baxay Galmudug.
Sarkaalkan ayaa ku socdaalayay waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balanballe iyo Caabudwaaq ee ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ilo-wareedyo ayaa soo wariyay in maleeshiyada hubeysan ay jidka u galeen gaari uu watay taliyihii ilaalada gaarka ah ee madaxweyne-ku-xigeenka Galmudug, waxaana sarkaalkaan la dilay magaciisa lagu sheegay Sade Daahir Caanood.

Weerarka ayaa lasoo wariyay in uu si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaan Ceelasha oo dhacda wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Balanballe iyo Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud, waxay sidoo kale maleeshiyadu weerarka ku dhaawaceen qof kale oo la socday sarkaalka la dilay.

Dhacdada weerarka ah ee lagu dilay taliyihii hore ee ilaalada gaarka ee madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa kusoo beegmaysa xilli dhacdooyin dilal ah ay saacadihii lasoo dhaafay iyo muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen deegaannada uu ka arrimiyo maamulka uu madaxa u yahay murtad Qoorqoor.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


TELEGRAM

FACEBOOK


Related Items

Update cookies preferences