Sarkaal Itoobiyaan ah oo lagu dilay magaalada Laascaanood.

Sunday April 20, 2025 - 15:50:05
9837
Liibaan Jeexoow
Sarkaal ka tirsanaa dowladda Xabashida Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay magaallada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Faarax Caydiid Jaamac oo ka mid ahaa saraakiisha qunsuliyada Itoobiya ee Garoowe ayay wararku sheegayaan in maydkiisa laga helay dooxada Goojacadde.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in maydka sarkaalkan ay oogadiisa ka muuqdeen xabbado ku yaalla iyo weliba jir-dil xooggan oo loo geystay.

Xogta ayaa intaa ku daraysa in ninkan oo dhinaca amniga wax ka yaqaannay uu si gaar ah u qaabilsanaa la-socodka socotada Itoobiyaanka ah, taas oo sidoo kale ku cad warqadda magacaabidda oo lagu baahiyey baraha bulshada. 

Sarkaalkan oo sida la sheegayo lagala baxay hoygii uu ka deggenaa magaallada Laascaanood, ayaa ilaa hadda aanu ka hadal maamulka la baxay SSC-Khaatumo ee ka arrimiya deggaannadaasi.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

FACBOOK

Related Items

Update cookies preferences