Khasaaraha qarax xooggan oo lagu beegsaday saldhigga booliska ee degmada Baraawe.

Sunday April 20, 2025 - 15:20:02
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya hawl-gal qarax oo xoogagga Al-Shabaab ay ku beegsadeen saldhigga booliska ee degmada Baraawe.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhaawacmay taliyaha booliska maamulka la baxay Koonfur-galbeed u qaabilsan degmada Baraawe.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Aadan Yuusuf (Aadan Baroon), ayaa sidoo kale waxaa la dhaawacmay 2 askari oo ilaalo u ahayd.

Hawl-gallada xoogagga Al-Shabaab sida gaarka ah uga fulinayaan Labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa si xawliya uga socda deggaannadaasi.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

FACEBOOK

Related Items

Update cookies preferences