Dublomaasiga Tibor Nagy oo ahaa Kaaliyihii hore ee Xoghaya Arrimaha Afrika u qaabilsan Mareykanka ayaa cambaareeyay Wasiirka Dibedda ee Federaalka ninka lagu magacaabo Axmed Macalin Fiqi.
Ninkan ayaa Fiqi ku eedeeyay in uu nin aan waxba gacanta ugu jirin misna qaniinaya gacantii ‘badbaadinaysay’ waddankiisa.
"Wasiirka Dibedda ee Fiqi waxba ma qaban karo laakiin wuxu qaniinayaa gacantii ilaalinaysay isla markaana wuxu dhaleecaynayaa madaxda Hawlgalka AUSSOM oo ah xoogagga ku ilaaliya Muqdisho.” Ayuu yiri Nagy.
Tani waxay imanaysaa xilli Fiqi eedeyn u soo jeediyay mid jamida madaxda Hawlgalka Shisheeye ee lagu magacaabo Nabad Ilaalinta kaas oo uu ku sheegay mid u adeegaya danaha Al-Shabaab.
Xaaladda jahawareerka ah ee ay waajahayso Dowladda Federaalku ayaa sababtey in is eedeyn iyo khilaaf soo dhex-galo safafkii shisheeyaha iyo shisheeye kalkaalka ah ee mudoo joogay Soomaaliya.
Jabkii maleeshiyaadka Gurguurte kasoo gaaray degmada Aadan Yabaal oo ahayd saldhiggii ugu weynaa ee hawlgalka ka hor-jeeda jihaadiyiinta ee gobollada dhexe ayaa keenay in walaac laga muujiyo xaaladda jiritaan ee Kooxda Villa Somaliya.
Odowaa iyo Shuute oo ahaa nimankii hoggaaminayey dagaalkaas ayaa la sheegay in ay Xamar ku galeen habqankii iyo firxadkii ay kasoo bilaabeen Aadan Yabaal.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
TELEGRAM
FACBOOK