Wararka ka imanaya koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya weerar xalay lagu miray xerada maleeshiyaadka Gurguurte ay ku leeyihiin Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Hawl-galkan oo sida ay wararku tibaaxayaan ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab ayaa isugu jiray duqaynta madaafiicda iyo dagaal toos ah.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in ay ku dhinteen ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, mid kalena lagu dhaawacay.
Hawl-galkan ayaa kusoo aadaya xilli guluf xooggan oo jiif iyo joogba u diidday kooxda Villa Somaliya uu ka socdo bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
TELEGRAM
FACBOOK