Wararka ka imanaya gobolka Banaadir ayaa sheegaya duqayn culus oo maanta lagu beegsaday xarunta NISA ee Habar-khadiijo ee magaallada Muqdisho.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gudaha caasimadda ayaa lagu soo warramayaa inay madaafiic ku garaaceen xaruntaasi.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in uu jiro khasaare iyo mid hantiyeed oo maleeshiyaadka NISA kasoo gaaray weerarkaasi.
Weerarkan ayaa imanaya xilli dhawaan Gurguurte uu ballan ku qaaday haddii hoobiye dambe uu soo dhaco in ciqaab adag uu marsiin doono saraakiishiisa maleeshiyaadka.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
TELEGRAM
FACBOOK