Kooxda Villa Somaliya oo ku-simaha madaxa hawl-galka AUSSOM ku eedaysay inuu teegeero Al-Shabaab.

Saturday April 19, 2025 - 14:59:05
Liibaan Jeexoow
Kooxda Vill Soomaaliya ayaa eedayn culus u jeedisay sii-hayaha madaxa howl-galka isbahaysiga AUSSOM, ninka lagu magacaabo Sivuyile Thandikhaya Bam oo isla markaana ah ku-xigeenka iyo ku-simaha ergeyga gaarka ah ee waxa loogu yeero Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee kooxda Villa Somaliya ninka lagu magacaabo Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Sivuyile Bam uu kasoo hor-jeedo isla markaana uu inkiraayo wax uu ku sheegay horumarka maleeshiyaadka DF Somaliya.

Fiqi ayaa sidoo kale Bam ku eedeeyey inuu noqday taageere Al-Shabaab ah, kadib markii warbixinno taban oo ka dhan ah kooxda Gurguurte uu ka hor-jeediyey fagaareyaasha caalamka, gaar ahaan waxa loogu yeero Qaramada Midoobey.

Mar la waydiiyey daba-dhilifkan, su'aal ahayd, maxaa tallaabo looga qaadi waayey isla markaana dalka looga saari waayay ninkan ayuu Fiqi ku gaabsaday oo kaliya "waa laga qaaday”, isaga oo wax faahfaahin oo dheeraad ah aan raacin.

Eedaynta Fiqi ayaa salka ku haysa warbixin dhawaan Syuvile Bam uu ka hor-jeediyey shirka waxa loogu yeero golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay isagoo sheegay in Jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ku tallaabsadeen guullo waaweyn oo halis ku ah meeshana ka saari kara awoodda kooxda Villa Somaliya.

Bam ayaa sidoo kale shaaciyey in xoogagga Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen hub aad u fara badan isla markaana ay beegsadeen goobo xasaasiya oo ay ka mid yihiin madaxtooyada Villa Somaliya iyo xerada Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee ay deggen yihiin shisheeyaha isku soo bahaystay duullaanka Soomaaliya.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

TELEGRAM

FACBOOK


Related Items

Update cookies preferences