Mid ka mida warbaahinta Soomaalida ee ku baxda luuqadda qalaad ee Ingiriisida ayaa sheegtay in dagaalkii shalay ee xoogagga Al-Shabaab kula wareegeen Aadan Yabaal uu hal bacaad lagu lisay ka dhigay hawl-galladii askarta dowladda federaalka iyo ciidamada Shisheeye ay ka wadeen Soomaaliya.
Warbaahintan Soomaaliyeed waxa kale oo ay xustay in dhacdadii Aadan Yabaal ay dhabar jab xooggan ku noqotay ol’olihii millateri ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee muddada badan ay lasoo daalaa-dhacaysay kooxda Villa Somaliya.
Warbixintu waxay kaloo ay ka dhawaajisay in xoogagga Al-Shabaab ay muddooyinkan u dambeeyey kusii siqayeen dhanka Aadan Yabaal, iyagoo si qorsheysan u qabsanayay tuulooyinka ku xeeran si ay u go’doomiyaan maleeshiyaadka Gurguurte.
Al-Shabaab ayaa waaberigii shalay weerar lama filaan ah ku qaadday Aadan Yabaal, halkaasi oo ay ku jabiyeen maleeshiyaadka Gurguurte. Sidoo kalena waxay la wareegeen gacan-ku-haynta deggaannada Mubaax iyo Yasooman, oo ah magaalo kale oo istiraatiiji ah oo ku taal gobolka Hiiraan ayay tiri warbixintu.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa haatan gacanta ku haya dhul fara badan oo xasaasiya, waxaanay horumarradan ay sameeyeen muddooyinkan dambe bannaanka keeneen adkaysiga jihaadiyiinta Al-Shabaab, ayaa lagu yiri warbixinta.
Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika oo warbaahintani ay soo xigatay ayaa sheegay in awoodda sii kobcaysa ee dagaalyahannada Al-Shabaab ay kor u qaadday cabsida laga qabo in ay fuliyaan hawl-gallo ay kula wareegaan caasimadda Muqdisho.
Syuvile Bam, oo ah ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka sheegay in xoogagga Al-Shabaab ay guulo waaweyn ku tallaabsadeen, isla markaana isbadalkaasi uu halis ku yahay in uu wiiqo awoodda kooxda Villa Soomaaliya ay ku heyso caasimadda.
Bam ayaa sidoo kale sheegay in jihaadiyiintu ay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay ka mid yihiin madaafiicda, kuwaasi oo loo adeegsaday weeraradii ugu dambeeyay ee lala beegsaday goobo caan ah oo ay ka mid yihiin madaxtooyada, garoonka diyaaradaha iyo xarunta Xalane oo ay ku sugan yihiin ciidamo shisheeye.
Warbixintu waxay sheegtay in sarkaalkan ka tirsan Midowga Afrika uu walaac xooggan ka muujiyay caqabadaha dhaqaale iyo kuwa shaqo ee uu wajahayo hawl-galka AUSSOM, isagoo carrabka ku adkeeyay in haddii aan faragelin degdeg ah la helin ay xaaladdu ka sii dari karto, hawl-galkuna uu halis geli doono.