Warbaahinta caalamka oo si weyn u hadal-haysa weerarkii cag-marinta ahaa ee Aadan Yabaal + SAWIRRO

Thursday April 17, 2025 - 12:12:22
Liibaan Jeexoow
War-fidiyeennada ugu afka dheer adduunka ayaa aad u hadal-haya weerarkii cagmarinta ahaa ee Jihaadiyiinta Al-Shabaab ay kula wareegeen degmada Aadan Yabaal, iyagoo badankoodu si siman uga hadlaya dagaalkaasi iyo jabkii kasoo gaaray maleeshiyaadka Gurguurte.
Waxaa ka mida warbaahintaasi Wargeysyada Washington Post iyo Stars and Stripes oo iyagoo soo xiganaya ilo-wareedyo millateri sheegay in dagaalkan jihaadiyiintu ay kula wareegeen Aadan Yabaal khasaare laxaad leh lagu gaarsiiyey maleeshiyaadkii Gurguurte uu soo bakhti-afuufay.

Waxa ay xuseen wargeysyadu in Aadan Yabaal ay tahay magaallo Istiraatijiya oo saldhig weyn u ahayd maleeshiyaadka Gurguurte. Waxaanay la-wareegisteeda ku sifeeyeen ifafaale muujinaya in lagu kala baxay dagaalkii ka socday Soomaaliya, guushuna ay raacday xoogagga Al-Shabaabb.

Sidoo kale wargeysyadan oo soo xiganaya ilo deggaanka ah ayaa sheegay in mujaahidiintu ay la wareegeen oo si buuxda gacanta ugu hayaan deggaanka Aboorreey oo dhaca duleedka degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu iyo TRT ayaa shalay baahiyey in mujaahidiintu ay afka ciidda u dareen maleeshiyaadka Gurguurte isla markaana ay si buuxda ula wareegeen magaallada Istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal.

Warbaahintan laga leeyahay dalka Turkigu waxay carabowday in magaalada Aadan Yabaal ay leedahay muhiimad ciidan oo istiraatiji ah isla markaana u adeegto xudunta saadka ee isku xira maamul-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

"Al-Shabaab ayaa in ka badan 16 sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya, waxaana ay inta badan beegsadaan saraakiisha iyo ciidamada dowladda.” Ayaa lagu yiri warbixinta ay daabacday warbaahinta laga leeyahay Turkiga ee Anadolu.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo laga leeyahay Ingiriiska iyo kuwo kale oo Faransiis ah ayaa ka sanqariyey in dagaalkan shalay ka dhacay Aadan Yabaal uu yimid xilli mustaqbalka taageerada amniga ee kooxda Villa Somaliya ee caalamku uu u muuqdo mid halis ku jira.

Reuters iyo sidoo Al-Jaziira ayaa xusay in dagaalkani uu kusoo aaday xilli dawladda Maraykanku ay ka hor-timid isla markaana hubanti la’aan fara badani ay dul-hoganayso maal-gelinta ciidamada afrikaanta ee loola baxay AUSSOM.

Dagaalka Aadan Yabaal ayay mujaahidiinta dhegta dhiigga u dareen maleeshiyaadkii ashahaado-la-dirirka ahaa ee ku hor-gudbanaa ku-dhaqanka Shareecada Islaamka. Waxaana bakhtiga iyo dhaawaca maleeshiyaadkaasi uu gaaray 126 askari.

Mujaahidiinta ayaa dagaalkan kusoo furtay qaniimo aad u fara badan oo isugu jirta qaybaha kala duwan ee saanadda millateriga. Waxaana sidoo kale geesiyada tawxiidku ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal. Raayada tawxiidka ayaana maalintii labaad ka babanaysa degmada Aadan Yabaal.

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sawirrada qaar ka mida saraakiishii iyo maleeshiyaadkii lagu laayay dagaalkan shalay ka dhacay degmada Aadan Yabaal, kuwaas oo qaarkood ilaa maanta ay bilqan yihiin duleedka magaallada.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Telegram:

Facebook:

Related Items

Update cookies preferences