Somaliland oo war ka soo saartey booqashadii RW Soomaaliya ee Laascaanood.

Wednesday April 16, 2025 - 19:13:00
Liibaan Jeexoow
Golaha Wasiirrada maamulka Somaliland oo maanta kulan yeeshay ayaa go'aanno ka soo saarey booqashadii hadal haynta badan dhalisay ee RW Dowladda Federaalku ku tagey bishan Magaalada Laascaanood ee xarunta u ah maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.
Somaliland waxa ay sheegtay in haba yaraatee aaney jirin wax wada hadal ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo dhanka maxaabiista ah.

Maxaabiista Muqdisho la geeyayna waxa uu maamulku ku tilmaamey kuwo aan ahayn maxaabiis dagaal.

Waxa kale oo ay xuseen in arrinka maxaabiista ay SL kala hadashey hay’adda ICRC iyo dalalka ay asxaabta yihiin.

Ugu dambayn waxa uu maamulku sheegay in uu ka baxay gebi ahaanba wadahadalladii Somaliland iyo Somalia ee soo bilaabmay sannadkii 2012 isla markaana kulankoodii ugu dambeeyay uu ahaa December 2023 xilligii Muuse Biixi.

FG: Wixii warar iyo warbixinno ah waxa kaloo aad kala socon kartaan:



Related Items

Update cookies preferences