Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa saaka si buuxda ula wareegay gacan-ku-heynta degmada Aadan Yabaal, kadib markii ay weerar culus oo jihooyin kala duwan ah kula jarmaadeen maleeshiyaadkii ku sugnaa hareeraha iyo gudaha degmadaasi.
Ugu yaraan 10 xero oo degmadaasi ku yaallay waxaa la wareegay Jihaadiyiinta Al-Shabab, iyagoo cagta mariyey maleeshiyaadkii xeryahaasi ku sugnaa oo tiradooda lagu sheegay ugu yaraan 2500 oo askari, kuwaasi oo noqday wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax oodda jabiyey oo firxaday.
Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey firxadka maleeshiyaadka Gurguurte ayaa lagu sii baacsanayaa baadiyaha degmada, gaar ahaan waddooyin aada deggaannada Moqokori, Yasooman, iyo sidoo kale deggaanka Tardo.
Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in taliyaha guud ee maleeshiyaadkan DF Somaliya Odowaa Yuusuf Raage uu ku jiro maleeshiyaad u firxaday waddo aadda deggaanka Tawakal. Ilaa hadda lama xaqiijin geerida ama nolosha saraakiil kale oo ay ka mid yihiin Saneey Cabdille iyo Shuute.
Maydadka maleeshiyaadka oo aad u fara badan ayaa la sheegayaa inay bilqan yihiin goobihii dagaalka, waxaana jira saanad millateri oo tiro-beel ah oo ay ku jiraan baabuurta gaashaaman oo jihaadiyiintu ay kula wareegeen dagaalkan iyo weliba maleeshiyaad nool nool oo gacanta lagu dhigay.
Haddaba maxay tahay istiraatiijiyadda ay leedahay degmada Aadan Yabaal?
Horta degmada Aadan Yabaal waxaa lagu ururiyey maleeshiyaad kumanaan ah oo ay ku jiraan kuwii dhawaan kasoo firxaday degmooyinkii ka tirsanaa Shabeellaha dhexe ee dhawaan ay Jihaadiyiintu la wareegeen, sida deggaannada Al-Kowthar, Daaru-nicma iyo Boos-hareeri.
Degmadan oo ah degmo qadiimiya oo istaraatiijiya, ayaa maleeshiyaadka u ahayd difaaca ama taliska ugu weyn ee ay ku lahaayeen Shabeellaha dhexe, waxaanay halkaasi uga kala gurmanayeen kana maamulayeen maleeshiyaadkooda ku kala sugan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe iyo Banaadir.
Magaallada waxay ka dhigteen astaanta guusha, iyagoo awoodda saarayay sidii aan degmadaasi looga fara-maroojin lahayn. Taas oo ay qabsadeen saddex sanno ka hor, iyadoo tan iyo muddaas ay si gaar ah u buubuunin jireen qabsashada degmadaasi.
FG: Wixii warar iyo warbixinno ah waxa kaloo aad kala socon kartaa Telegramyada: