Dowladda Federaalka oo sheegtay in maxaabiista SSC-Khaatumo hayso qaar ka mida lagu wareejinayo Somaliland.

Tuesday April 15, 2025 - 11:53:18
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Federaalka ah gaar ahaan Xafiiska Reysal Wasaaraha ayaa warbixin ka soo saarey socdaalkii uu dhawaan ku tagey Magaalada Laascaanood ee Gobollada Waqooyi.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in SSC-Khaatumo ay Dowladda Federaalka ah ku wareejinayso qaar kamida maxaabiistii lagu qabtey dagaalkii Gooja Cadde ee 25 August, 2023.

Maxaabiista la sii daynayo ayaa lagu sheegay 25 maxbuus oo duruufo gaar ah leh kuwaas oo dhaawacyo qaba. Dhanka kale Somaliland ayaan wax war ah kasoo saarin sida ay arrinkaa u aragto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo intii safarka Xamse ku joogay Laascaanood sheegtay in ay u aqoonsatey Maamul Goboleed lamid ah kuwa Koonfurta ee taabacsan DFS maaddaama oo Somaliland tan iyo 1991 diiddanayd in ay kamid noqoto Soomaaliya dowlad ahaan isla markaana ay ictiraaf raadinayeen walow cidina aaney aqoonsannin.

Maamulka cusub ee SSC-Khaatumo ayaa ka qayb geli doona Shirka Wadatashiga ee ay ka qayb gelayaan Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfurgalbeed.

Waxaanu noqonayaa maamulkii koowaad ee Waqooyiga ah ee ka qayb gala shirkaas tan iyo intii la aas aasay nidaamka Federaalka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences