Maleeshiyaadka uu Imaaraadku taageero ee loo yaqaan Dacmu Sariic ama RSF ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan-ku-heynta xerada Zamzam ee ku taal galbeedka gobolka ay macaluusha darani saamaysay ee Daarfuur ee dalka Suudaan.
La-wareegtistan ayaa timi kadib markii muddo labo maalmood ah kooxda RSF iyo ciidanka Suudaan uu halkaasi ku dhex-maray dagaal ba’an oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalladan ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof oo ay ku jiraan caruur yar yar iyo hooyooyinkood. Waxaanay Kumanaan kun oo barakacayaal ah ay ka barakaceen xerooyinka qaxootiga oo ay ka mid tahay xerada ZAMZAM.
Maleeshiyaadka Calooshood-u-shaqaystayaasha ah ayaa Jimcihii lasoo dhaafay weeraro dhulka iyo cirka ah ku qaadday Waqooyiga Darfur, waxaanay go’doomiyeen caasimadda gobolkaasi ee Al-Faashir iyo xerooyinka barakacayaasha ee Zamzam iyo Abuu Showk.
Hey’adda la baxday Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii lasoo dhaafay sheegtay in dad ka badan 100 qof laga cabsi qabo in ay ku dhinteen weerarrada ay fulinayaan maleeshiyaadka Dacmu Sariic.
Inkastoo ciidanka Suudaan ay si weyn u wiiqeen awoodda kooxdan, hadana todobaadyadii la soo dhaafay, RSF waxa ay xoojisay weerarada ay ku qaadayso xeryaha qaxootiga ee ku hareeraysan magaallada Al-Faashir, waxaanay isku dayaysaa inay la wareegto gacan-ku-heynta xarunta gobolka Darfur.