FAAH-FAAHIN: Hawl-gallo lagu beegsaday ciidamada Uganda iyo mas'uul ka tirsan maamulka Gedo.

Monday April 14, 2025 - 12:27:59
Liibaan Jeexoow
Hawl-gallo kala duwan oo dhacay habeennimadii xalay ayay jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen deggaanno dhaca gobollada Gedo iyo Shabeellaha hoose.
Gobolka Gedo, waxaa habeennimadii xalay ka dhacay qarax lagu beegsaday guriga maareeyaha garoonka Garbahaareey uu ka deggen yahay magaalladaasi.

Sida ay wararku tibaaxayaan weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 1 askari ka mid ahaa ilaalada mareeyaha garoonka.

Gobolka Shabeellaha hoose, dagaal culus oo lagu beegsaday ciidamada Afrikaanta ayaa habeennimadii xalay ka dhacay deggaanka Golweyn ee hoos-taga degmada Buulo Mareer.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa si gaar ah loogu beegsaday xerada askarta Uganda ay ku leeyihiin deggaankaasi.

FG: Si aad u hesho warar iyo warbixinno hufan kusoo biir Channells-ka SOMALIMEMO:


Related Items

Update cookies preferences