Dowladda Federaalka oo SSC-Khaatumo u aqoonsatey maamul-goboleed.

Monday April 14, 2025 - 08:19:35
Liibaan Jeexoow
Reysal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa habeenkii xalay ahaa ka qayb galey munaasibad maamulkaasi samaystay, RW ayaa shaaciyey in SSC si rasmi ah uga mid tahay maamullada hoostaga Federaalka.
Xamse Cabdi Barre waxa uu intaa raaciyey in dhulkaasi aanu ahayn dhul lagu muransan yahay.

"Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC-Khaatumo tahay deegaan iyo maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah, mana aha meel lagu muransan yahay”

Waxa kale oo uu ku baaqay in dhammaan kuwa Soomaaliya saaxiibbada la ah iyo dowladduba in ay ula dhaqanto sidii maamul lamida maamul goboleedyada kale.

"Dhammaan saaxibbada Soomaaliya, kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahaynba waxa waajib ku ah in ay si lamida maamullada kale ee federaalka in ay Khaatumo ula dhaqmaan.”

Tan ayaa ka dhigan in SSC-Khaatumo noqon doonto maamulka 6aad ee taabacsan dowladda Federaalka ah ee ay Dowladda Soomaaliya aqoomsan tahay.

Waxa kale oo RW sheegay in madasha looga hadlayo arrimaha Soomaaliya in ay Khaatumo ka qayb geli doonto balse taas waxa ka soo horjeestay xubno xildhibaanno ah oo sheegay in ay ka soo jeedaan Somaliland.

Related Items

Update cookies preferences