ABOORREEY: Maleeshiyaadka Gurguurte oo mar kale afka ciidda loo daray.

Wednesday April 09, 2025 - 19:28:03
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaallo culus oo maanta ka dhacay deggaanka Aboorrey ee duleedka Buuloburde.
Maleeshiyaadka Gurguurte ayaa lagu soo warramayaa in dhirbaaxo kulul lagu dhuftay kadib markii ay saaka isku dayeen inay qaadaan weerarro rogaal-celis ah.

Weeraradan oo sida la sheegayo uu hagayay taliyaha guud ee maleeshiyaadka Villa Somaliya Odowaa Yuusuf Raage, ayaa kusoo idlaaday fashil iyo guul-darro ba’an.

Maleeshiyaadkan oo awoddoodda aan waxba la harin isla markaana kaashanayay diyaaradaha shisheeyaha ayaa mar kale afka ciidda loo daray.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan maydad fara badan oo goobihii lagu dagaallamay ay kaga carareen maleeshiyaadka Gurguurte.

Sidoo kale in ka badan 60 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka DF Somaliya ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaallo maanta ka dhacay Shabeellaha dhexe.

Dagaalladan ayaa imanaya kadib markii shalay maleeshiyaadkan laga dilay lagana dhaawacay ku dhawaad 150 askari oo u badan murtazaqada Bangaraafta ee Danab.

Related Items

Update cookies preferences