Khasaaraha maleeshiyaadka Gurguurte kasoo gaaray dagaalladii maanta oo sii kordhay + SAWIRRO

Wednesday April 09, 2025 - 18:17:27
Liibaan Jeexoow
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Geel-gub ee lagu jabiyey maleeshiyaadka Gurguurte.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in dhimashada maleeshiyaadka Gurguurte ay gaareyso ugu yaraan 25 askari, halka 26 kalena ay dhaawacmeen.

Inta badan maydadka maleeshiyaadka ayaa lagu soo warramayaa inay bilqan yihiin goobtii lagu dagaallamay, kadib markii haraadigii maleeshiyaadku ay kala fiigeen.

Dhanka kale, dagaalkii ka dhacay duleedka Aadan Yabaal ayay dhimashada maleeshiyaadku gaartay 4 askari, halka 8 kalena ay dhaawacmeen.

Firxadkan maleeshiyaadkan ayaa la sheegayaa inay orodkii ay ku galeen Aadan Yabaal, halkaas oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay kaga daba-geeyeen tiro hoobiyeyaal ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qiic iyo uuro madow ay cirka isku shareertay kadib markii madaafiicdu ay haleeleen xarumihii maleeshiyaadka DF Somaliya ee degmada Aadan Yabaal.

Waxa aanu soo helnay sawirrada qaar ka mida maleeshiyaadkii maanta lagu feentay Shabeellaha dhexe. Waxaana baraha bulshada is-qabsatay baroor-diiqda askartaasi.

Related Items

Update cookies preferences