Indonesia oo noqotey dalkii koowaad ee si rasmi ah u aqbala qaabilidda reer Qaza.

Wednesday April 09, 2025 - 15:46:09
Liibaan Jeexoow
Dalka Indoniisiya ayaa markii koowaad si rasmi ah u xaqiijiyey in ay diyaar u yihiin qaabilidda dadka Reer Qasa ee Cadowga Yuhuuddu gumaadka ku hayo.
Madaxweynaha Indoniisiya Prabowo Subianto oo warmurtiyeed soo saarey maanta oo Arbaco ah waxa uu ka dhawaajiyey in dalkiisu shacabka Falastiiniyiinta ah u qaabbilayo si kumeel gaar ah.

Madaxweynuhu wuxu tibaaxay in dalkiisu wajiga koowaad ay qaabbili doonaan dad gaaraya ilaa 1000 qof taas oo hadda Wasaaradda Dibedda dalkaasi qorshaheeda bilawday in ay kala hadlaan dhinacyada Falastiin iyo dunida kaleba si dadka dhibaateysan loogu raro Indoniisiya.

Waxa kale oo dalkaasi sheegay in ay qaabilayaan dadka ay soo gaareen dhaawacyada jireed, kuwa nafsiga ah iyo carruurta agoomowday.

Prabowo oo socdaal ku maraya dalalka Turkiga, Masar iyo Qadar waxa uu caddeeyay sida ay uga go’an tahay taageerada nabadda iyo madaxbannaanida Falastiin.

Warsaxaafadeedkan ayaa imanaya xilli laba bilood ka hor Xukuumadda Indoniisiya ay si adag u diidey isku day kasta oo lagu doonayo in dalkooda lagu keeno Falastiiniyiin si qasab ah.

Related Items

Update cookies preferences