Shaqaallaha UN-ka ee Muqdisho oo digniinno amni la siiyey kadib cabsi xooggan oo soo food-saartay.

Tuesday April 08, 2025 - 21:07:13
Liibaan Jeexoow
Cabsi xooggan ayaa soo food-saartay shisheeyaha duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya, kadib markii jihaadiyiintu ay labo-jibbaareen weerarrada isla markaana horumarro ballaaran ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha magaallada Muqdisho.
Kulan deg-deg ah oo qoob-gariir fara badani ka muuqdo oo shir-guddoomiye uu ka ahaa Joseph Katuramu oo ah La-taliyaha Ammaanka ee waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ayaa jimcihii lasoo dhaafay ka qabsoomay xarunta hey’addaasi ee magaallada Muqdisho.

Kulankan ayaa nuxurka ajandihiisu ahaa sidii loo badbaadin lahaa shaqaallaha UN-ka, haddii Muqdisho isu bedesho Kaabul oo kale, waxaana ka qayb-galay mas’uuliyiin ka socday Waaxda Badbaadada iyo Ammaanka ee UN-ka oo ay ku jiraan ku-xigeenka La-taliyaha Ammaanka John Douglas, Madaxa Ammaanka ee UNSOS iyo Taliyaha Ciidanka Uganda Col. Peter Ruyogoza Barigye.

Joseph Katuramu oo aad u werwersan kasoo qayb-galayaasha shirka ku boorriyey inay is ilaaliyaan oo ay feejignaadaan, isagoo xusay in ciidanka sugaya ammaanka shaqaallaha UN-ka ay ku kor-joogtayn doonaan shaqooyinka loo igmaday.

Ku-xigeenka La-taliyaha dhanka Ammaanka, John Douglas, ayaa isna sheegay in ciidamada Uganda ee UPDF ee ka hoos shaqeeya qeybta ilaalada Qaramada Midoobay ay diyaar garoobeen. Waxaanu ku boorriyey ilaalinta shaqaalaha, hantida, iyo xarumaha Qaramada Midoobay.

Cabsida xooggan ee hey’adahan shisheeye soo food-saartay ayaa timi kadib markii xoogagga Al-Shabaab ay horumarro ballaaran ka sameeyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan labada Shabeelle, isla markaana ay haatan kaabiga ku hayaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Related Items

Update cookies preferences