Taliska millateriga jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa goor dhawayd war kasoo saaray dagaalladii maanta lagu jabiyey maleeshiyaadka Gurguurte ee ka dhacay duleedka deggaanka Aboorreey ee gobolka Hiiraan.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in dagaalladan oo dhawr jeer la isku noq-noqday ay soo gaareen ilaa galabnimadii maanta.
Ugu yaraan 53 askari ayaa laga dilay maleeshiyaadka Gurguurte, kuwaas oo maydadkooda looga cararay goobta dagaalka, halka dhaawacuna uu gaaray 87 kale, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Asad Cismaan Faarax oo ahaa taliyihiii Danab ee gobollada dhexe ayaa ka mid ahaa Saraakiishii iyo askartii dhegta dhiigga loo daray.
War-saxaafadeedka oo dhamaystiran waxaad kaga bogon doontaa xagga hoose, balse ka hor waxaan idiin soo gudbinayaa oo aanu helnay magacyada qaar ka mid ah maleeshiyaadkii lagu dilay dagaalladan.
1- Asad Cismaan Afrax taliyihii ciidanka (Danab) ee Galmudug
2- Maxamad Cabdulle Jimcaalle Garabeey - Sarkaal maleeshiyaatka ridada
3- Xaashi Cali - Sarkaal NISA ka tirsan
4- Axmed Xasan Cosoble Sarkaal NISA ka tirsan
5- Ciise Axmed Cali Biyow Sarkaal maleeshiyaatka ridada ka tirsan
6- Cilmi Ibraahim Yuusuf (Garab dheere)
7- Maxamad Khaliif Sharlaawe.
8- Daahir oo ahaa Istaafkii gaarka ahaa ee Odawaa Yuusuf Raagge.
9- Diirow Xasan Fareey
10- Faarax Xuseen Makaraan (Maciye)
11- Muxuyadiin Sdexle Sarkaal maleeshiyaatka ridada ka tirsan
12- Cabdi Caga-taano
13- Gaabow Guurre Cawaale
14- Fahad Maxamad Cumar( Laba-daqiiqo)
15- Salaad Xusseen Guurre Xuurshow
16- Maxamad Cabdi Xaalle
Waxaa xusid mudan in dhammaan goobihii lagu dagaallamay ay si buuxda gacanta ugu hayaan Jihaadiyiinta Al-Shabaab.