Dagaallo lagu jabiyey maleeshiyaadka Gurguurte ayaa maanta ka dhacay duleedka deggaanka Aboorreey oo hoos-taga degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.
Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in tiraba 3 jeer ay jabiyeen maleeshiyaad diyaaradaha Maraykanku ay taageerayeen.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in dagaalladaasi lagu dilay ugu yaraan 14 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, kuwaas oo saddex ka mid ah maydadkooda looga cararay goobihii lagu dagaallamay.
Waxa kale oo jira dhaawacyo gaaraya 20 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkaasi maanta lagu naafeeyey duleedka deggaanka Aboorrey.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladda deggaanka Aboorreey ay haatan deggen tahay, waxaana si buuxda gacanta ugu haya xoogagga Al-Shabaab.
Geesta kale, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay weeraray saldhig ay maleeshiyaadka Gurguurte ku leeyihiin deggaanka Arbacow oo dhaca duleedka Muqdisho, balse ka tirsan Shabeellaha hoose.
Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarkaasi markii uu fulay kadib ay xoogagga Al-Shabaab madaafiic ku garaaceen isla xeradaasi ay deggenaayeen maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.