Kooxda Villa Soomaaliya ayaa si cad uga hadashay aragtidooda ku aaddan marti-qaadkii uu Imaaraadku u fidiyey madaxa maamulka riddada ee la baxay Somaliland, C/Raxmaan-Cirro oo heer madaxweyne kaga qayb-galay shir caalamiya oo dhawaan ka dhacay magaallada Dubay.
Kooxda Villa Soomaaliya ayaa si cad uga hadashay aragtidooda ku aaddan marti-qaadkii uu Imaaraadku u fidiyey madaxa maamulka riddada ee la baxay Somaliland, C/Raxmaan-Cirro oo heer madaxweyne kaga qayb-galay shir caalamiya oo dhawaan ka dhacay magaallada Dubay.
Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Cali-Balcad ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan marti-qaadkii uu Imaaraadku u fidiyey C/Raxmaan-Cirro, isla markaana tallaabadaasi aanay wax dhibaato ah ku keenayn xiriirkii ka dhaxeeyey Imaaraadka iyo Soomaaliya.
"Inay marti-qaadaan Cirro waan soo dhawaynaynaa, maamullada Soomaaliya inay ka qayb-galaan shirarka gacanacsiga, umana arko inay wax dhibaato ah u keenayso xiriirka noo dhaxeeya annaga iyo Imaaraadka…” ayuu yiri Cali-Balcad.
Hadalkan kasoo yeeray Wasiiru-dawlaha khaarajiga, ayaa ka hor imanaya hadal uu horey u yiri isla Wasiirka Wasaaraddaasi Axmed Macalin Fiqi, oo sheegay inay qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah hab-dhaqanka Imaaraatka iyo fara-gelinta uu ku hayo arrimaha gudaha.
Ku dhawaad bil ka hor ayay ahayd markii wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliland ay marti-qaad heer dawladeed ah oo ay ka heleen Imaaraadka carabta, kaga qayb-galeen magaallada Dubay waxa loogu yeero Shir-weynaha Dawladaha Adduunka ee 2025.
Geesta kale Imaaraatka carabta ayaa madaxa Kooxda Villa Somaliya ka hor-joogsaday inuu ka qayb-galo shirkaasi, iyadoo ilaa haatan Gurguurte aan laga hayn wax jawaab ah oo uu ka bixiyey tallaabooyinka kulankaasi looga mamnuucay isla markaana heer dawladeed looga qayb-geliyey maamulka Somaliland.
Ilo-wareedyo aanu goor dhawayd oo maanta ah helnay ayaa sheegaya in Xasan Gurguurte uu maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, oo warar hoose tibaaxayaan inuu u aaday dhaqaallo-xumo soo wajahday xukuumaddiisa.