Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saaka weerar culus kula jarmaadday maleeshiyaadkii Gurguurte ee ku sugnaa magaallada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Isla markii uu dagaalku bilaabmayba waxaa lagu soo warramayaa in maleeshiyaadkii Gurguurte ay xamili waayeen rasaasta jihaadiyiinta kadibna ay oodda jabiyeen.
Xoogagga Al-Shabaab ayaa wax yar kabacadiba gacanta ku dhigay saldhigyadii maleeshiyaadka ee gudaha magaallada sida xarunta degmada, saldhigga booliska iyo xarunta maxkamadda.
Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab waxay la wareegeen Buundada oo ka mid ahayd meelihii ugu dambeeyey ee laga sifeeyey maleeshiyaadka Gurguurte.
Gabi ahaanba xoogagga Al-Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan-ku-haynta magaallada, waxaanay oodda ka qaadeen maxaabiis fara badan oo ku xirnayd xabsiga dhexe ee magaallada.
Firxadka maleeshiyaadka Gurguurte ayaa u jihaystay labo dhinac oo kala ah geesta Muqdisho oo Balcad u jirta 30 KM iyo saldhigga ciidamada Burundi ee duleedka Balcad.
Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa raayada tawxiidka ka taagay saldhigga booliska, xaruntii degmada, xarunta maxkmadda iyo qaybo ka mida dariiqyada magaallada.
War-saxaafadeed goor dhawayd kasoo baxay taliska Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadu ay gudaha u galeen magaallada Balcad kadib markii ay jiireen difaacyada maleeshiyaadka Gurguurte.
Sidoo kale bayaanka ayaa lagu xusay Kamiin ay dagaalyahannada Al-Shabaab u dhigeen maleeshiyaad gurmad ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Ilbaq ee duleedka degmada Balcad.
Ugu yaraan 23 isugu jira askar iyo saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday cag-marintii Balcad iyo weerarkii dhabbo-galka ahaa, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Al-Shabaab.
"Maydadka askarta ayaa waddooyinka daadsan, shacabkiina waa fiirsanayaa, Al-Shabaabna iyagoo takbiirsanaya ayay xaafadaha wareegayaan…” Sidaasi waxaa yiri oo bartiisa Faceboogga kusoo qoray mid ka mida qaaqlayaasha baraha bulshada.
Waxaanu intaasi sii raaciyey "Muuqaalladii ugu horeeyay ee aan ka helay gudaha Balcad waxay muujinayaan Quuus...” isagoo sheegay in firxadka maleeshiyaadkii Gurguurte ay u yaaceen dhanka Muqdisho.
Maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale goor dhawayd baahiyey sawirrada weerarkan saaka ka dhacay Balcad oo ah magaallada labaad ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Sawirrada ayaa muujinaya sida ay jihaadiyiintu cagta u mariyeen maleeshiyaadka Gurguurte oo maydadkooduna ay waran yihiin goobihii lagu dagaallamay.
Halkan hoose kaga bogo qaybo ka mida sawirrada inta kalena linkiga raac ttps://t.me/+vLVTo_hNyaU0Mzg0