Kooxda Villa Somaliya oo markii ugu horreysay ka hadashey safarkii Cirro ee UAE.

Monday February 24, 2025 - 11:59:52
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Khaarijiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Fiqi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay safarkii Cirro ee Immaaraatka Carabta kaas oo hab-maamuus sarreeya lagu soo dhaweeyay.
Mid ka mida idaacadaha maraykanka ee Afsoomaaliga ku hadla oo wax ka weydiisay isaga oo jooga waddankaas ayuu xusay in Somaliland tahay qayb kamida Soomaaliya oo wax tabanaysa tagitaanka Cirrona uu lamid yahay midka Axmed-Madoobe Kenya ku tagey isaga oo aaney dowladda Soomaaliya raalli ka ahayn.

Dhanka kale waxa uu sheegay in hadda xiriirka ay Immaaraatka la leeyihiin uu fiican yahay laakiin ay jiraan tallaabooyin ka qaadi doonto ciddii farogelin iyo kala qaybin ku keenta Soomaaliya.

"Xiriirkeenna Immaaraatku hadda waa fiican yahay laakiin waxa jira waxyaabo ay dowladdu tallaabo ka qaadi doonto ayaa jira oo ah, dalka Soomaaliya annagu farogelin uma oggolin” ayuu yiri Fiqi.

Geesta kale waxa uu tibaaxay in ay jiraan dowlado kale oo farogelin ku haya Soomaaliya. Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka ay kala hadli doonaan sidii loo sii wadi lahaa lacagihii ay DF siin jireen.



Related Items

Update cookies preferences