Ka dib dagaal dheer oo aan toos ahayn oo qaatey sannad, iyo 2 bilood oo dagaal furan ah waxa markii ugu horreysay heshiis xabbad joojin ah kala saxiixday Ururka Xisbullah iyo maamulka Yuhuudda.
Afhayeenka Ciidanka Yuhuudda ayaa sheegay in wali ciidankoodu baaqi ku sii ahaan doonaan meelaha ay ka joogaan Koonfurta Lubnaan laakiin aaney hor u socod samayn doonin isla markaana ay dib ka sheegi doonaan xilliga ay faaruqin doonaan.
Heshiiskan ayaa wararku sheegayaan in Biden uu dabaa ka riixayey. Dhanka kale RW Yuhuudda Netanyahu ayaa ku dhawaaqey in uu aqbaley heshiiska.
Maamulka Telaabiib ee Yuhuudda ayaa duqeymo xooggan ka geysanayey labadii bilood ee dambeeyay Koonfurta Lubnaan halka ururka Xisbullah ay gantaalo ku ganayeen magaalooyinka Yuhuudda.
Netanyahu waxa uu ka dhawaajiyey in 3 qodob darteed ay u aqbaleen heshiiskan kuwaas oo kala ah; in ay nasiyaan ciidankooda dagaalka adag kala kulmayey garabka dagaalka Ridwaan ee Xisbullah. In ay Xisbullah ka saaraan garabka Xamaas iyo ugu dambeyn in ay diiradda saaraan hanjabaadaha uga imanaya Iiraan.
Si kastaba ha ahaatee waxa sii socon doona dagaalka kooxaha iska caabbinta Falastiiniyiinta ee Qaza iyo taageerayaashooda Yemen iyo Ciraaq ee ku aaddan Yuhuudda.