Hoggaamiyaha maamulka cusub ee SSC-Khaatumo ayaa markii ugu horreysay ka hadley doorashada ka dhacdey maamulka Somaliland.
Ninka lagu magacaabo Firdhiye oo ah Hoggaamiyaha Khaatumo ayaa ka dhawaajiyey in keliya Cirro uu Muuse beddelay laakiin fikraddii goonni goosigu ay halkii taagan tahay.
Waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in inta Somaliland sheeganayso deegaannada SSC in heshiis iyo wadajir aan la helaynin.
"Maalinta ay fikraddaa goonni goosadka ah ee dadkeenna lagu qasbayo ay ka tanaasulaan ayaa isbeddel imanayaa” ayuu yiri Firdhiye.
Somaliland ayaa gacanta ku haysay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool muddo ku siman 15sano halkaas oo ugu dambayn laga saarey 25 August ee sannadkii ina dhaafey.
Doorashada ka dhacdey maamulka Somaliland ee uu ku guuleystay Cabdiraxmaan-Cirro ayaa siyaabo kala duwan loo falanqeeyay taas oo dadka qaar ay sheegayaan in deegaannadaasi ka xasilloonaan doonaan sidii hore.
Si kastaba ha ahaatee hadalka Firdhiye ayaa ka dhigan mid tilmaamaya in dagaalladu sii socon doonaan.