FAAH-FAAHIN: Hawl-galladii u dambeeyey ee xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen Banaadir, Bakool iyo Baay.

Tuesday November 19, 2024 - 07:37:58
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab oo xalay weerarro culus ka fuliyey gobollada Banaadir, Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Gobolka Baay, waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen xerada askarta xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor iyo xerada maleeshiyaadka Koonfur Galbeed ee Maaya fuulka ee magaallada Baydhabo.

Dhanka gobolka Bakool, waxaa isna xalay ka dhacay weerarro xooggan oo dagaalyahannada Al-Shabaab ku mireen saldhigyada maleeshiyaadka Koonfur Galbeed ee degmooyinka Ceelbarde iyo Waajid.

Gobolka Banaadir, waxaa ka dhacay hawl-gal qorshaysan oo xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Hilwaa ee magaallada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in hawl-galkaasi lagu khaarajiyey 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Boolis Militaaro, waxaana laga soo furtay 2 qori oo ay siteen.

Related Items

Update cookies preferences