Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay fuliyey weerarro ka dhan ah ciidamada gumaysiga ee soo-duulayaasha afrikaanta iyo maleeshiyaadka ku daabban ee Soomaalida.
Haddii aynu ku horeyno gobolka Gedo, waxaa xalay ka dhacay degmada Garbahaarey hawl-gal ay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ku khaarajiyeen askari ka tirsan maleeshiyaadka jawaasiista NISA oo lagu magacaabi jiray Gaani.
Dhanka kale xoogagga Al-Shabaab waxay xalay dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Koonfur Galbeed ee degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Shabeellada hoose waxaa isna xalay ka dhacay dagaal culus oo lagu miray maleeshiyaadka dawladda ee saldhigga Buundada ee deggaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.
Gobolka Jubbada hoose waxa isna xalay ka dhacay weerarro xooggan oo lagu beegsaday xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Taabto iyo xerada maleeshiyaadka Jubbaland ee deggaanka Baar Sanguuni ee hoos-taga magaallada Kismaayo.