Ciidamada Wilaayada Islaamiga ee Hiiraan ayaa isku fidiyay qaybo kamid ah wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Baladweyne iyo Buulaburde ee gobolka Hiiraan halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay dagaallo ay ka socdeen.
Ciidamadan oo aad u hubaysan ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay qaybaha ugu muhiimsan wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Baladweyne iyo Buulaburde, waxaana ay saldhigyo ka samaysteen magaalooyinka iyo tuulooyin ku yaalla wadada laamiga ah.
Magaalooyinta Nuur-Fanax iyo Garasyaani ayaa kamid ah goobaha ay Jihaadiyiintu gacanta ku dhigeen, kana samaysteen saldhigyada ciidan. Ciidamadii dawlada iyo kuwii macawiislayda ayaa dib ugu gurtay Magaalooyinka Baladweyne, Halgan iyo Buulaburde, halka magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya magaalooyinkaas ay Mujaahidiintu la wareegeen.
La wareegitaanka ciidamada ciidamada wilaayada islaamiga ee wadada laamiga ah ayaa ku qasabtay masuuliyiin ay ka mid yihiin Cali Jayte iyo xildhibaan Macalmuu inay shalay oo Isniin ahayd diyaarad ka raacaan Baladweyne kuna tagaan Buulaburde.
Deegaanka Jiciboow oo 20km u jira Buulaburde ayay sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu su buuxda ula wareegeen, arinkaas oo isaguna kala jaraya isku socodkii ciidamada dawlada iyo macawiislayda ee inta u dhaxaysa magaalooyinka Halgan iyo Buulaburde.