Qaraxyo lagu weeraray maleeshiyaadka Gurguurte oo ka dhacay Muqdisho.

Saturday March 22, 2025 - 11:56:23
5786
Liibaan Jeexoow
Weerar qorshaysan oo ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab ayaa ka dhacay Ex-controol Afgooye ee magaallada Muqdisho ee gobolka Banaadir.
Hawl-galkan oo ahaa qarax ayaa lagu dilay 1 askari, 3 kalena waa lagu dhaawacay, kuwaas oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte, kuna sugnaa fariisin ay ku lahaayeen Ex-controol Afgooye.

Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Banaadir, waxay qarax culus la beegsadeen goob ay joogeen maleeshiyaadka Gurguurte.

Goobtaasi lagu weeraray qaraxa ayaa ahayd fariisin ay maleeshiyaadku ku lahaayeen agagaarka Shirkadda Coca-cola ee degmada Yaaqshid.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhaawacmay mid ka mida askartii goobtaasi ku sugnayd.

Related Items

Update cookies preferences