SAWIRRO: Jihaadiyiinta oo Bariire la wareegay + Hawl-gallo kale iyo amni-xaqiijin ay ka sameeyeen wada Afgooye iyo Xamar.

Friday March 21, 2025 - 08:26:07
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya Shabeellaha hoose ayaa sheegaya dagaalyahannada Al-Shabaab oo xalay saq-dhexe si buuxda ula wareegay gacan-ku-haynta deggaanka Bariire oo u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Aw-dheegle.
La-wreegistan ayaa timi kadib markii maleeshiyaadka Gurguurte ay isaga firxadeen deggaankaasi, kadib markii ay ka war-heleen guluf xooggan oo kusoo maqan.

Faahfaahinno dheeriya ayaa kasoo baxaya weerarkii cag-marinta ahaa ee shalay xoogagga Al-Shabaab kula wareegeen deggaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegay in ugu yaraan 26 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte lagu dilay weerarkaasi.

Sidoo kale tiro intaas ka badan ayaa lagu soo warramayaa in weerarkaasi looga dhaawacay maleeshiyaadka DF Somaliya.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in askarta dhaawacantay uu ku jiro Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Lugta General Cabdulaahi Aden Xuseen (Cirro).

Al-Kataa’ib ayaa soo bandhigtay muuqaallo hadal-hayn badan ka dhaliyey baraha bulshada oo muujinaya Jihaadiyiinta oo hawl-gallo amni-xaqiijin ah ka wada waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasoo hoos aad ka fiirsan kartaan.

Isla Shabeellaha hoose, hawl-gal qorshaysan oo lagu khaarajiyey askari ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte ayaa ka dhacay duleedka deggaanka Shalambood.

Magaca askarigan oo aanu helnay ayaa lagu sheegay sheegay Xaaji Fareey, waxaana laga soo furtay qorigii uu sitay iyo 2 boosh.

Gobolka Baay, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa habeennimadii xalay dagaal culus ku qaaday Xero Koowaad oo maleeshiyaadka Laftagareen ay ka deggen yihiin degmada Diinsoor.

Sidoo kale Jihaadiyiintu waxay isla xalay weerareen saldhiga maleeshiyaadka K/Galbeed ee Makuudo ee duleedka magaallada Baydhabo.

Soohdin-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya, waxaa ka dhacay weerar shalay ay xoogagga Al-Shabaab ku beegsadeen xero ay maleeshiyaadka Jubbaland ka deggenaayeen magaallada Diif.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in jihaadiyiintu ay nolosha ku qabteen askari ka tirsan maleeshiyaadka Axmed-madoobe oo sitay qori iyo boosh.

Related Items

Update cookies preferences