In ka badan 20 qof oo kiristan ah ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay magaallada Arba Mincha oo ku taal koonfurta dalka Itoobiya.
Shilkan oo dhacay maalmo ka hor ayaa lagu soo warramayaa in 14 ka mid ah dadka dhintay ay isla goobta ku qudh-baxeen, halka inta kalena ay ku geeriyoodeen cisbitaalka.
Dadkan geeriyooday ayaa kusii jeeday deggaannadoodii kadib markii ay kasoo laabteen Kaniisad ku taal Arba Minch, oo xus-diimeed ay ku qabsadeen.
Sababta shilka weli lama sheegin, balse baabuurka ay dadkani saarnaayeen ayaa la sheegayaa inuu hoos-galay buundada magaallada Bedesa ee gobolka Wolaita ee Koonfurta Itoobiya.
Xilliga uu shilkani dhacay ayaa ahayd aroornimadii sabtida abaaro 6:30 wakhtiga maxalliga, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan Kaniisadda Ortodhogoska ee Itoobiya.
Dad kale oo badan ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen, kuwaaoo qaarkood qaba dhaawacyo garaab ah, iyadoo tirada dhimashadana la filayo inay sii koroto.
Dadka dhintay ayaa 11 ka mid ah maydadkooda lagu aasay saddex kaniisadood oo kala duwan oo ku yaalla magaallada Shashemene oo dhacda koonfurta Itoobiya.