Fahad Yaasiin: shirqoolkii ugu halista badnaa ayuu Imaaraadku ka fulinayaa Soomaaliya.

Saturday March 30, 2024 - 11:56:54
Liibaan Jeexoow
La taliyihii hore ee Amniga Qaranka iyo Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa ka qaylo dhaamiyey wax uu ugu yeeray shirqool uu Immaaraadku ka samaynayo Soomaaliya.
Fahad oo xaley qoraal ku baahiyey bartiisa X ayaa tibaaxey in Dawladda Immaaraatka Carabtu mu’aamarad u dhigeyso Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa siyaasiyiin maxalli ah.

Fahad waxa uu xusay in shirqoolkani leeyahay labo weji midka horena uu yahay sidii loo wiiqi lahaa Ciidanka DF Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay haddaba muuqato.

"Qorshaha koowaad waa in ciidanka qaranka la wiiqo ilaa uu ka gaaro heer uu burburo, gobol walbana loo dhiso ciidamo u gooni ah. Shirqoolkan sanad iyo barkii u danbeeyey ayaa la waday. Xaaladda uu Ciidanka Qaranku ku suganyahay maantay qofkii xog ogaal ahi kama qarsoona.” Ayuu yiri Fahad
Qorshaha labaad waxa uu ka dhawaajiyey in uu yahay in meesha laga saaro waxa loogu yeero Dastuurka Soomaaliya taas oo uu ku macneeyay in ay tahay dabarka ugu dambeeya ee umadda isku haya.

"Wajiga labaad ee qorshaha Imaaraatka waa in la burburiyo xariga isku haya siyaasadda dalka, waana dastuurka kumeel gaarka ah. Haddii dastuurkaas meesha ka baxo waa buundo loogu sii gudbayo wajiga saddexaad oo ah in maamullada dalka qaarkood ku dhawaaqaan iney goosteen oo ay ku daydaan Somaliland, waxaana diyaarsan laba kamid ah maamul goboleedyada dalka.” Ayuu sii raaciyey.

Ugu dambayn waxa uu Fahad ku baaqey in la badbaadiyo ‘Wadajirka umadda’.

Fahad oo ahaa kaadirkii Nabad iyo Nolol ee Xasan Gurguurte talada uga adkaadey ayaa muddooyinkii dambe dibed wareeg ahaa. Dadka Fahad dhaliila ayaa sheega in uu gacan saarka ugu weyn la lahaa Dawladda Qatar halka Xasan Sheekh iyo xulafadiisuna ay isbahaysi siyaasadeed la ahaayeen Immaaraatka Carabta.

Dhaliishan uu jeediyey agaasimihii hore ee NISA ayaa imanaysa ka dib markii dhawaan madaxweynihiisii Farmaajo uu Muqdisho ka degay isaga oo qabtey warmurtiyeed uu aad ugaga horjeeday waxka-beddelka Dastuurka Federaalka oo awalba qabyo ahaa.

Xasan Gurguurte waxa uu isna dhankiisa rabaa sidii uu meesha uga saari lahaa nidaamkii baarlamaaniga ahaa ee Soomaaliya lagu soo dhaqayey tan iyo lixdameeyadii isaga oo u janjeersanaya habka madaxtooyada oo ah madaxweyne iyo ku xigeen aan awood badan lahayn.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences